Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ayaa maanta Iska hor imaad ku dhex maray magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay qasaare kala duwan.
Ciidamada dagaalamay ayaa ka kala tirsanaa Nabadsuggida iyo Ciidamo taabacsan Maamulka Degmada Dharkeynley, iyadoo iska hor imaadka uu ka dhacayagagaarka Xaafadda Dabakaayo Madow ee degmadaasi.
Askari ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay iska hor imaadka labada ciidan, halka askari kale lagu dhaawacay, askariga dhintay iyo kan dhaawacmay ayaa labadaba ka tirsanaa ciidamada maamulka Degmada Dharkeynley, mana jiro wax faahfaahin ah oo laga bixiyey sababta keentay falkan.
Isku dhacyada ciidamada dowladda ayaa joogto ka noqday Gobolka Banaadir iyadoo aan weli lagu guuleysan in wax laga qabto arrintan.