Monday, July 14, 2025

Qasaare ka dhashay weerar xalay lagu qaaday Magaalada Boosaaso & Alshabaab oo sheegatay

Koo hubeysan ayaa  xalay weerar ku qaaday Guriga Guddoomiyihii hore ee Canshuuraha Beriga Ibraahim Maxamed Shige, iyadoo rasaas culus la isweydaarsaday  Afar Irdoodka magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarkaasi. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Magaalada Boosaaso, iyagoo sheegtay inay ku dileen askar ka tirsan Ciidamada Puntland.

Askari ka tirsan ciidamada Puntland ayaa lagu dilay weerarkaasi sida ay baahisay VOA-da, waxaana dhaawac kasoo gaaray  labo ruux oo midkood yahay qof shacab ah.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo dagaallo xoog leh dhex marayaan labada dhinac degaanada xeebaha Mudug iyo Nugaal.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON