Qasaare hanti oo culus ayaa ka dhashay Dab xoog leh oo qabsaday qeybta Dahablaha ee Suuqa Bakaaaha, iyadoo ay ku bas beeleen Carwooyin waaweyn oo ah kuwa Dharka lagu iibiyo.
Dabka la sheegay inuu ka dhashay Koronto ayaa saaka qabsaday dukaamo iyo carwooyink far badan oo ku yaalla qeybta Dahablaha ee Suuqa Bakaara ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa Suuqa u gurmaday Gaadiidka Dab-damiska gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadaha gaarka ka ah, waxaana lagu guuleysay in Dabka la hakiyo, si uusan uga fidin qeybaha kale ee suuqa, balse qasaare weyn ayaa soo gaaray Ganacsatada Dharka xilli loo diyaar garoobayay Ciidul Fitriga.