Friday, June 27, 2025

Qisada Wiil Somali ah oo iska dhigay gabar si uu u galo UK & Gabadhii tageertay oo lagu qabtay Turkiga.

Saxaafadda Turkiga ayaa faahfaahisay wiil Soomaali ah oo ciidamada amniga garoonka Ankara ee dalka Turkiga ay qabteen markii uu soo xirtey dharka dumarka, kadibna isku dayey inuu u dhoofo magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Wiilkan oo lagu magaaabo Ibraahin Maxamed ayaa da’diisu tahay 20 -meeyo, waxaana la qabtay isagoo ku safraya dokumintii ay leedahay gabar Soomaali ah oo uu si yaab leh muuqaal ahaan isugu ekeysiiyay markii uu makeup adeegsaday.

Booliska Turkiga ee Garoonka Diyaaraaha Esenboğa Airport  magaalada Ankara oo ka shakiyey wiilkan gabadha iska dhigay ayaa raadraac degdeg ku sameeyay markii ay ka shakiyeen sameecadaha dhegaha ee uu waaxaana Kaamerada CCTV lagu arkay isagoo dokumentiga ka guddoomaya gabadha ugu timid garoonka ee guddoonsiiyey Baasaasaboor iyo tikidh uu ugu safri lahaa magaalada London.

Waxay kaloo ciidamada qabteen gabadha lahayd dokumetiga oo magaceeda lagu sheegay Khadiijo xilli ay dooneysay inay iyadoo dooneysay inay ka baxdo garoonka diyaaradaha magaalada Ankara.

Wiilka Ibraahim ayaa sameeyay tallaabo la yaab leh markii u aad u dhow usugu ekeysiiyey gabadha uuy dokumetigeeda doonayey inuu ku dhoofo, iyadoo aan loo qaatay inay saaxiib la ahayd gabadhaasi.

Arrintan waxaa si weyn u hadal haya saxaafadda caalamka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay gabadha falkan soo maleegtay ay halis ugu jirto in lagu maxkamadeeyo UK.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON