Wednesday, June 25, 2025

Q/Midoobay oo 3 maalmood kadib Goobta Qaraxa la timid Qalab Dad badan badbaadin lahaa [Sawirro]

Shaqaale ka tgirsan xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM/UNSOS oo qaabilsan taageerada Amniga iyo ayaa maanta gaaray Goobta Qaraxa ka dhacay ee Isgoyska Soobe iyagoo geeyay Qalab hore loogu baahnaa.

Qeybta Fire Section ee shaqaalaha Q/Midoobay ayaa goobta geystay Qalab awooda inuu sheego haddii qof nool ay ku hoos jirto burburka iyo xirfadleyaal ku shaqeeya, iyadoo gacan ka helay hay’adaha kale ee Q/Midoobay sida  UNMAS iyo UNDP.

Qalabkan oo ah mid casri ah kuna shaqeeya teknolojiyada seismic ayaa awood u leh inuu meeleey, isla markaana uu haddii ay burburka hoostiisa wax nooli ku jiraan, laakiin dadkii gurmadka ku howlaa ayaa la yaabay sida weyn ee Q/Midoobay ula soo daahday qalabkan oo ku fiicnaa in la helo maalmihii Axadii iyo Isniintii si dadka nool dhaqso loogu helo.

Inkastoo ay Q/Mdioobay sheegin inay qalabkan hore u heysatay iyo in maanta uu dalka uu soo gaaray, haddana wuxuu ku soo beegmay xilli aan rajo badan laga qabin in dad nool halkaasi laga helo kadib ku dhowaad 62 saacadood qaraxa ka dib.

DAAWO SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON