Monday, July 14, 2025

Qoddobo looga horjeedo Dowladda Federaalka oo kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Puntland (War-murtiyeed)

Shirka wadatashiga Puntland ayaa laga soo saaray qoddobo looga horjeedo Dowlada Soomaaliya, inkastoo shirkaasi ay ka qeyb galeen wasiiro ka socday xukuumadda Soomaaliya.

Shirka oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Garowe ayaa lasoo gabgabeeyay galabta waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka koobana 11 qodob oo si weyn uga hor yimid Dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasadaheeda.

Wararka ayaa sheegaya in qoraalka War-Murtiyeedka uu hore u diyaarsanaa, waxayna xubnihii ka socday dowladda Federaalka ku guuldarreysteen inay saameyn ku yeeshan shirka ama wax ka bedelaan qodobaddiisa.

Wasiirka shaqada xukuumadda Soomaaliya Saadaq Xersi Warfaa ayaa maanta shirka ka sheegay in kulan qaatay 7 saacadood uu dhex maray madaxda Puntland iyo wasiirada ugu jira xukuumadda Soomaaliya, isagoo ku celceliyey inaysan shirka kasoo bixin wax dhibaato ku ah.

Qorshihii Wasiirada dowladda Soomaaliya ku doonayeen in Madaxweynaha Puntland ku qanciyaan inuu Madaxweyne Deni tego Muqdisho ayaa socon waayey, iyadoo taas bedelkeed shir la isugu yeeray madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, kaasoo ka dhacaya Garowe.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON