Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey munaasabada xuska 26-ka June ee xoriyadda Gobollada Waqooyi oo xalay ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Farmaajo oo in muddo ah aan fagaarayaasha lagu arag ayaa xalay kasoo muuqday xafladii madaxtooyada, waxaana khudbadii uu jeediyey hareeyay hadal xigasho ah oo uu sheegay inay usoo gudbiyeen dhalinyaro midnimo doon ah oo ka timid Gobollada Waqooyi.
Khudbadda Farmaajo ee 26-ka June wuxuu ka dhigay haddalo uu kasoo xigtay dhalinyarrada aan la magacaabin oo ay ku jireen dhaliil loo jeedinayo siyaasiyiinta, xaaladda midnimada iyo kheyraadka dalka ku jira ee Shidaalka, Gaaska iyo kheyraadka kale.
“ Dhalinyarada ii timid aad ayay noogu fogaadeen siyaasiyiinteena, waxay dhaheen siyaasiyiinta danaha dadka kama Shaqeeyaan ee danahooda iyo mida guryahooda ayay ka Shaqeeyaan, waxaana idin leeyahay hadalkaas waa dhab ayuu yiri” ayaa ka mid ahaa warkii uu Farmaajo kasoo amaahday dhalinyarrada uu sheegay inay u timid.
Waxay ahayd arrin ku cusub hadallada ay jeediyeen Madaxda in lagu dhiso hadallo laga soo xigtay dad aan la aqoon iyo xog ay bixinayaan ama dhaliilo ay jeedinayaan.
Farmaajo kama hadlin xaaladda dalka iyo dhibaatooyinka taagan oo ay ugu waaweyn yihiin dhalinyarada uu askar ahaanta u geeyay dalka Eritrea iyo fatahaadda Gobollada qaar ka taagan.
