Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho lag soo gabagabeeyo shirka wadatashiga Madaxweynaha iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee dhex mara Golaha intii la doortay Xasan Sheekh ayaa looga hadlayaa wada-shaqeynta labada dhinac iyo arrimaha ugu muhiimsan ee ay ka wada shaqeynayaan inta uu xilka hayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha ayuu ku sheegay arrimaha ay isla garteen oo ay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan. “Waxaan Shir gudoominayey shir aan la yeelanay madaxda golaha wada tashiga qaran, waxaan ku heshiinay inaan ka wada shaqeyno mustaqbalka Soomaaliya, dhammaan dhinacyada danta guud ku jirto, Dastuurka, sharciga, Amniga, Bani’aadanimada & arrimaha dhaqaalaha”.
Qodobadda lagu wado inay shirka maanta kasoo baxeen waxaa ka mida:
1- Dhamemystirka Dastuurka
2- Xoojinta Nidaamka Federaalka
3- Adkeynta Amniga Dalka iyo xooojinta dagaalka Alshabaab
4- iyo Xal u helida Abaaraha baahsan ee Dalka ka jira


