Iyadoo guddiga Baarlamaanka Soomaaliya u saaray dib u eegista heshiiska Qaabka Doorashada 2016 ee ay gaareen madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka ay soo gabagabeeyeen dib u eegista heshiiskaasi ayaa la sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay qodobo si weyn u taabanaya rabitaanka Puntland.
Qodobadda Guddiga wax ka bedelay waxaa ka mida:
- Dhismaha Aqalka sare ee Gobolka Banaadir lagu darayo, taasina waxay keeneysaa inay yaraato tiradii hore loogu qoondeeyay Puntland iyo Somaliland oo min saddex xubnood oo dheeraad ah heshiiska hore ku heystay.
- Dhismaha Guddiyada Doorashada oo dib loo soo celinayo guddigii doorashada ee baarlamaanka Federaalka ansixiyay, kaasoo Puntland diidaneyd.
- Qodobka kale ee Xildhibaanada Baarlamaanka sida weyn u daneynayaan ayaa iska ahaa inay 25 xubnood laga dhigo dadka dooranay xildhibaanada Federaalka, halkii ay markii hore ahayd 50.
Wax ka bedelka Heshiiska Doorashada 2016 ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka Federaalka la hor geeyo maalmaha soo socda, waxaana Beesha caalamka iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayeen in sidiisa loo ansixiyo heshiiska.
Waxaa jirta cabsi sii kordheysa oo ku saabsan in wax ka bedelka heshiiska doorashada ee Baarlamaanka Federaalka ay qaadacaan maamulada qaarkood siiba Puntland, taasoo xaaladda dib ugu celineysa is mari waagii hore.
Goobjooge.com