Monday, June 23, 2025

Qodobadda loo cuskanayo Mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne Trump oo la ansixiyey [Akhriso]

Guddi ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ee ay u badan yihiin Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ansixiyey qodoabdda lagu soo eedeeyay Madaxweyne Donald Trump ee loo cuskanayo mooshinka xil ka qaadistiisa.

Arrbintan ayaa ka dhigan Donald Trump oo kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga uu noqonayo madaxweynihii saddexaad ee taariikhda Mareykanka lagu soo oogo mooshin lagu doonayo in xilka looga qaado, waxaana isku raacay xubnaha xisbiga dimoqraadga ee Guddiga Garsoorka cod ku meel-mariyey, inkastoo ay diideen xubnaha ka Jamhuuriga ee guddiga ka mida.

Laba qodob ee lagu soo eedeeyay Madaxweyne Trump ayaa kala ah: Inuu ku xadgudbay Awooddiisa una adeegsaday dano u gaara iyo Inuu is-hortaagay baaritaanka lagu waday, waxayna eedeynta hore ku saabsan tahay inuu ku cadaadiyey dalka Ukraine inay baaritaan ku sameeyaan siyaasiga Joe Biden, oo ah dimoqraadi ay suurta-gal tahay inuu Trump kula loolamo doorashada 2020 iyo wiilkiisa oo ka shaqeeya shirkadda shidaalka Ukraine.

Ad

Aqalka Wakiilada oo dhan, halkaasi oo dimqoraadiga ay aqlabiyad ku leeyihiin, ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda ansixiyaan eedeymaha ka dhanka ah Trump, taasi oo soo geba-gebeyn doonta hanaanka xil-ka-xayuubinta, una diri doonta Trump inuu hor-tago maxkamadeynta Senate-ka, toddobaadyo gudahood.

Mooshinkan ayaa u badan inuusan helin coddad ku filan, iyadoo ay ka horjeedaan xubnaha xisbiga Jamhuuriga, laakiin waxay Dimoqraadiyiintu doonayaan inay sumcadiisa ku dilaan Trump, taasoo dhaawac u geysan karta in dib loo doortay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON