Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay hadda socoto diyaarinta war-saxaafadeedka laga soo saarayo shirka Dhuusamareeb wejigiisa labaad ee ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo shanta Madaxweyne ee maamul Goboleedyada.
Wadahadallo saacado badan badan qaatay muddo 4 maalmood ah oo xiriir ah kadib ayaa la isku afgartay qoddobo ay ugu muhiimsan yihiin sida ay noqoneyso Doorashada 2020/2021, taasoo Guddi farsamo loo saarayo markii dood adag laga yeeshay.
Xubno ka kala socda Dowlad Goboleedyada iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa gacanta ku haya War-saxaafadeedka laga akhrinayo shirka, waxaana qodobadda ugu muhiimsan ka mida:
1- In Doorashada ay ku dhacdo xilligii loogu talogalay oo aysan jirin muddo kordhin.
2- In Guddi loo saaro nooca Doorasho la isla ogol yahay oo dib ugu soo celiya Madaxda dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
3- Iyo in kulan kale la yeesho si la isula qaato Doorashada dalka ka dhaceysa.
Madaxweyne Farmaajo oo hore u ogolaaday qodobaddan ayaa marar badan ka cago-jiiday in shirka gabagabada la qabto si loo shaaciyo heshiiskan, waxaana haddala filayaa in caawa la qabto kulanka madaxda oo lagu shaacinayo qoddobada lagu heshiiyay.
Dad badan ayaa ka cabsi qabay in shirka lagu kala tago, laakiin waxaa muuqata in laga soo saarayo qodobo u dhow heshiis, iyadoo aan xal laga gaarin arrinta Doorashada ee la isku khilaafsanaa.
Waxaa muddo dheer qaadatay sidii meesha looga saari lahaa Doorasho QOF IYO COD ah oo Madaxweyne Farmaajo ku dheganaa, laakiin wuxuu isna diiday DOORASHO DADBAN, iyadoo shir kale looga hadli doono nooca Doorasho heshiis lagu yahay.