Tuesday, June 24, 2025

XOG: Qodobka hortaagan heshiiska Doorashada 2016 oo la shaaciyay

Qodobka ugu weyn ee hortaagan in Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyo heshiiska Doorashada 2016 ee ay wada gaareen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa noqday metelaadda gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Xildhibaan C/llaahi Xaaji oo ka mida guddiga Baarlamaanka ee loo xil saaray Heshiiska ayaa sheegay inay heshiiska ku jiraan caqabado qaarkood ka horjeedaan Dastuurka, isla markaana ujeedkoodu yahay inay wixii sharci darro ka saaraan heshiiska.

Xildhibaanka ayaa caddeeyay in Baarlamaanka ujeedkiisu yahay sixitaan oo aanay dib u eegeynin qeylo dhaanta ka soo yeeraysa beesha caalamka iyo dhinacyada kale ee ku doodaya in Baarlamaanku daahinayo heshiiska.

Guddigan ayaa la filayaa inuu soo gabagabeeyo sixitaanka heshiiska labada maalin ee soo socota, waxayna kulan la yeesheen shalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka wadahadleen xaalada heshiiska iyo sidii loo dedejin lahaa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON