Tuesday, June 24, 2025

Qof ku dhintay Mooto Bajaaj ku qaraxday Magaalada Muqdisho

Ciidamda Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa isku dayay inay qabtaan  Mooto Bajaaj la sheegay in laga ka soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, taasoo ku qaraxday bar koontarool oo ku taala wadadda Warshadaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu ku dhintay ninkii waday.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Kaamil Macalin Xirsi sheegay in wadaha Mootada u ku geeriyooday qarax ka dhashay waxyaabihii Mootada saarnaa, iyadoo ciidamada iyo dadka rayidka ahna aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin falkaasi.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Ciidamada ay heleen Xogta Mootada kahor inta aysan soo gaarin fariisinka Ciidamada, kadibna wadaha Mootada uu isku dayay inuu iska caabin kala hor yimaado Askarta.

“Ciidamada Amaanka oo ku sugnaa Bar kantarool, Xaafada Xero Jarmal ayaa ka war helay Mootada waxayna isku dayeen inay qabtaan, Wadihii ayaa bilaabay in uu Ciidanka iska Caabin ku sammeeyo, balse uma aysan suuragalin oo Mootadii ayaa isaga kaligii la qaraxday”. Afhayeenka Wasaaradda Amniga

Dhinaca kale Ciidamada Booliska, Nabadsugidda iyo AMISOM oo wada socda ayaa howlgal xalay ka sammeeyay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, halkaas oo lagu soo qabqabtay illaa Shan Dhanllinyaro ah oo lala xiriiriyay in ay ka tirsanyihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON