Thursday, April 25, 2024

Qof ku xayirmay Diyaarad ku dhacday Garoonka Muqdisho oo dadaal loogu jiro in laga badbaadiyo

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka socda dadaal lagu soo badbaadinayo qof ku xayiran Diyaarad saaka ku dhacay Garoonka oo ku socotay Magaalada Beledweyne.

Diyaaradahan oo ah nooca 5Y-MHT, kana diiwaan gashan dalka Kenya ayaa dhacday waxyar kadib markii ay duushay, waxaana laga soo badbaadiyey 3 ka mida 4 qof oo la socday, iyadoo dadaal loogu jiro sidii looga soo saari lahaa qofka shanaad oo ku xayiran diyaaradda.

Diyaaradda ayaa ka burburtay Afka, iyadoo ay waxyeelo gaartay qeybta laga wado diyaradda, taasoo keentay inuu ku go’doomo halkaasi qof ka mida shaqaalaha Diyaaradda oo la sheegay inuu caadimaad qabo, waxaana saacado oo howshaasi socoto aan weli socda gurmadka.

Ad

Qofka ku xayiran diyaaradda ayaa la sheegay inuu hadalayo, laakiin aanay suuragelin in la gaaro si looga soo badbaadiyo Diyaaradda.

Sii-hayaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista xukuuamadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Omaar ayaa sheegay in qofka diyaaradda ku xayiran uu nabad qabo, isla markaana uu socdo dadaal looga soo saarayo diyaaradda dhacday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON