Thursday, July 3, 2025

Qof lagu dilay Bannaanbax looga horjeedo Shirkadda Imaaraadka ee la wareegtay dekadda Boosaaso [Sawirro]

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay bannaanbax rabshado watay oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Bannaanbaxa ayaa ahaa mid looga horjeedo shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee la wareegtay maamulka dekadda Boosaaso, taasoo kordhisay kharashkii laga qaadi jiray Doonyaha iyo maraakiibta, waxaana ka dhashay inay xiranto shaqadii Dekadda Muddo isbuuc  ah.

Dadweyne careysan oo ka bannaanbaxaya arrintan ayay isku dhaceen ciidamada oo rasaas huwiyay dadkaasi, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in qof lagu dilay iyadoo dhowr qofna lagu dhaawacay.

Waxaa xiran isu socodkii magaalada iyadoo ay jirto xiisad ka taagan magaalada, waxaana ciidamada lagu eedeeyay inay rasaas ku fureen dadweyne bannaanbaxaya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON