Saturday, June 28, 2025

Qof lagu dilay iyo Guryo lagu gubay bannaanbax rabshado watay oo ka dhacay Cadaado

Banaanbax looga horjeedo dhacdadii naxdinta lahayd ee magaalada Cadaado lagu gowracay gabar yar oo 7 jir ah ayaa ka dhacay magaaladaasi.

Bannaanbax oo ahaa mid rabshado watay ayaa qas iyo xaalad amni darro ka dhaliyay magaaladam waxaana dadka dhigay ay ka careysnaayeen gabadha yar oo jirkeeda la jarjaray.

Dadka careysan ayaa gubay dhowr Guri oo ku yaalla Magaalada Cadaado, kuwaasoo dabkaasi ku bas beelay, waxayna u badnaayeen Dumar iyo caruur falal kharbudaad ah geystay.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helo Cadaado ayaa sheegaya in qof ku dhintay rabshadihii maanta ka dhacya magaalada Cadaado, kadib markii ciidamada Booliska ay rasaas ku fureen dadkii bannaanbaxa dhigayay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON