Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof shacab ah lagu toogtay Beerta Qaadka, degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.
Dilkan ayaa la sheegtay inay geysteen dabley ka kooban laba oo ku lebisnaa dareyska ciidamada dowladda Soomaaliya oo goobta ka baxsaday markii ay toogteen nin ka ganacsan jiray mobile-ada celiska ah.
Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in dableyda ay si toos ah u abaareen ninkan oo ay rasaas ku fureen, kadibna markii uu dhintay ay goobta isaga tageen, waxaana markii danba halkaasi gaaray ciidamada amniga, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka ninkaasi.
Lama oga sababta dilka iyo cidda ka danbeysay, waxaana dilkan uu ka mid yahay falal joogto ka noqday magaalada oo intooda badan ay sheegtaan Alshabaab.