Sunday, June 22, 2025

Qoorqoor oo jawaab kulul siiyay Axmed Fiqi. “Dadkuna ku arag, Galmudug-na waxba uma dhimi kartid”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo xalay ka hadlay magaalada Guriceel ayaa khudbadiisa kusoo qaatay jawaab culus oo uu siiyey wasiirkiisii hore ee Amniga Axmed Macalin Fiqi oo dhowaanahan si adag ugu eedeeyay dagaalkii Guriceel.

Qoorqoor ayaa isagoo si duurxul ah uga hadlaya eedaha uga yimid Wasiir Fiqi oo aanu magacaabin wuxuu sheegay inay jiraan dad qeylinaya oo ah kuwii tartami waayey iyo kuwo leh qabiilkeyga ima rabee kursiga ii xir ama qabiilkooda og inuusan dooraneynin.

“…Wuxuu leeyahay kii Qori dab leh sidaba oo Galmduug lagu gubayo, kuwaas ayaa saxan.. weliba waxaan ognahay gacan saddexaad ayaa isticmaaleysa… ma rabo inaan hoos ugu dego oo ceebaha shaqsiyaadka warbaahinta ka sheego..” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug oo ka afeeftay weerarka afka ah ee uu ku qaaday Axmed Macalin Fiqi.

Ad

“Doorasho ciddii ay u qabsoontay waan soo dhoweynaynaa waana hambalyeynayaa.. sharaf ayey inoo tahay inagoo sanad iyo bar joognay in nala yiraahdo: maxaad doorasho qof iyo cod u keeni weyseen, iyadana waan keeneynaa… Nagu dhaliila, waan ogolnahay.” ayaa ka mid ahaa khudbadii uu Guriceel ka jeediyey Axmed Qoorqoor, taasoo jawaab u ahayd qoraal uu Fiqi soo dhigay baraha bulshada, isagoo isku barbar dhigay Puntland oo doorasho ka socotay iyo Galmudug oo dagaal ka socday, kuna dhaliilay hoggaanka Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa si toos ah ula hadlay wasiirkiisii hore ee Amniga, wuxuuna ku yiri: “Ha noqonin maalintaan kursiga rajo ka qabo ama la ii xoogo Arlada Galmudug ayaa u fiican.. maalinta aan kursi heynin, ama la i dooraneyn oo cid kale isoo rarrato.. Galmudug Boqol ceebood ayaan u yeelayaa.., sidaas ha ku noqonin Siyaasi.. Dadkuna ku arag Gamudug-na waxba uma dhimi kartid”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON