Madaxweynaha Galmudug ayaa xilkii dib ugu celuiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaaso oo hore xilka looga qaaday, kadib markii lagu eedeeyay inuu xiisad colaadeed ka abuuray dadka degaanka Balanballe.
Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo saaray wareegto shaqo ku celin ah oo Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) shaqadiisii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta dib loogu celinayo, iyadoo aan wax sabab ah la sheegin.
Wasiir Cabdi Waayeel ayaa Bishii May 2021 waxaa xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ahaa ku-simaha Madaxweynaha, iyadoo markaasi lagu eedeeyay inuu colaad ka huriyey degmada Balanballe, markii uu magacabaay Gole degaan oo khilaaf dhaliyey.
