Monday, June 23, 2025

Qoraa lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul oo xiisad ka dhexdhaliyey Turkiga & Sacuudiga

Suxufi caan ah oo Sacuudiga u dhashay oo ku caan baxay inuu naqdiyo siyaasadaha dalkiisa, ayaa lagu waayey magaalda Istanbul, markii uu tegay Qunsuliyad uu Sacuudigu ku leeyahay magaalaaasi.

Jamaal Khashoggi, oo sidoo kalena wax ku qora wargayska Washington Post, ayaa galay qunsuliyadda ku taalla Istanbul, galabnimadii Talaadada. Khashoggi wuxuu u tegey halkaas inuu “warqado buuxbuuxiyo” ayuu wargeysku sheegay in markaas wixii ka dambeeyey warkiisa lama maqlin.

Haweeney u doonan oo la socotay markii uu qunsuliyadda tagayey ayaan loo ogolaan inay gudaha u gasho. Sida uu nidaamku yahay, Khafashji waxaa laga qaaday telefoonkiisa gacanta – arrintaasoo qayb ka ah nidaam caadi ah oo la maro marka la galayo qunsuliyadaha iyo safaaradaha.

Ad

Jahawareer ayaa ka dhashay Arbacadii halka uu ku dambeeyo, iyadoo sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay wakaaladda Reuters inuu 20 daqiiqo kadib ka baxay Qunsuliyadda markii uu dhammeystay howshiisan, balse waxaa arrintaasi beeniyey haweeneydii la socotay oo bannaanka Qunsuliyadda u sugeysay iyo dowladda Turkiga.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Khashoggi uu gudaha dhismaha ku jiray, saraakiisha Turkigana ay xiriir la samaynayeen dhigooda Sacuudiga iyagoo xaaladda kala hadlayey.

Khashoggi wuxuu aaminsanaa in isbeddel loo baahan yahay balse keli talisnimo aan loo baahnayn
Jamal Khafashgi wuxuu aaminsanaa in isbeddel loo baahan yahay balse keli talisnimo aan loo baahnayn

Khafashji ayaa musaafuris iskiis ah ugu noolaa Mareykanka, wuxuuna ahaa qof aad u dhaleeceeya xukuumadda Sacuudiga, gaar ahaan qorshayaasha isbeddelada ee uu horkacayo amiirka dhaxalka leh, Maxamed Bin Salmaan.

- Advertisement -

“Isbeddel kasta wuxuu la yimaadaa xirxirid cusub, xukunno xabsi, iyo dhaqammo caburis ku dhisan” sida waxaa yiri Jason Rezaian oo ka tirsan Washington Post.

“Marxalad kasta oo la marayo, Jamaal wuxuu alkhristayaasha wargayska siin jiray faallooyin qoto dheer, wuxuuna aad wax uga sheegi jiray waddankaas ay adag tahay in gudihiisa wax laga ogaado” ayuu sii raaciyey.

Khashoggi oo hore u ahaa tifaftiraha wargayska Al-Watan iyo TV muddo kooban jiray, ayaa wuxuu sidoo kale ka qayb qaadan jiray barnaamijyada BBC ee looga hadlo arrimaha Sacuudiga iyo bariga dhexe, halka uu mararka qaar kasoo muuqan jiray Telefishanka Aljazeera.

Waxaa jiray wakhtiyo uu la taliye u ahaa qoyska boqortooyada ee Sacuudiga, muddo dheerna waxaa loo arkayey qof arrimaha hoose u dhuun daloola, ilaa iyo intii uu ka tegey sannad ka hor, xilli ugaarsi badan oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda uu jiray.

- Advertisement -

Waxaa kale oo la ogsoon yahay in uu xiriir aad u dhow la lahaa Cusaama Bil Laden, kaasoo uu wakhtiyo badan ula safray Afganistan, sannadihii 19080-meeyadii, intii uu Soofiyeetku dalkaas ku jiray, walow uu markii dambe si cad u diiday fikradihii Bin Laden, ayna kala hareen muddo dheer ka hor weerarradii 2001 lagu qaaday Maraykanka.

Arrintan qoraagan la waayey ayaa laga cabsi qabaa inay xiisad ka dhaliso dalalka Sacuudiga iyo Turkiga, waxayna labada dal xaaladda ninkan kasoo kala saareen warar is khilaafsan, ciidamada Turkiga ayaa sawirrada qoraaga ku baahiyey xuduuddaha iyo garoomada diyaaradaha dalkaasi si looga hortago in dalka laga dhoofiyo si sharci darro ah.

Sacuudiga ayaa caan ku ah inuu xubnaha mucaaradka ku ah ka afduubto dalalka dibadda, iyadoo dalkaasi aanu u dulqaadan karin  aragtida ka horjeeda iyo dadka wax ka sheega.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON