Madaxweyne Trump ayaa isku soo jeediyay eedeeymo cusub oo ku saabsan in uu caqabad ku noqday cadaaladda ka dib markii uu bartiisa Tweeter-ka soo dhigay in sababihii uu shaqda uga ceyriyay Michael Flynn ay qayb ka ahayd in uu been u sheegay FBI.
Qaar ka mid ah khubarada sharci yaqanada ayaa sheegay in hadalka madaxwayne Trump uu u muuqdo in uu ogaa in la taliyihiisa uu marin habaabiyay baarayaasha. Madaxwayne Trump ayaa ku adkaystay in ficilka uu sameeyay la tiliyihiisii hore uu yahay mid sharci ah.
Mr Trump ayaa u muuqday in uu qiray in uu ogaa in Michael Flynn,uu been u sheegy FBI ka hor inta uusan shaqada ka cayrin. Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraalka uu soo dhigay bartiisa Tweeterka ku sheegay in aysan jirin wax la qarinayo.
I had to fire General Flynn because he lied to the Vice President and the FBI. He has pled guilty to those lies. It is a shame because his actions during the transition were lawful. There was nothing to hide!
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) December 2, 2017
Sharci yaqaanada ayaa sheegaya in Mr Trump haddii uu ogaa in Mr Flynn uu been u sheegay FBI markii uu cadaadiska ku saaryay agaasimaha FBI in la tuuro baaritaanada ka dhanka ahaa la taliyihiisa in taasi ay noqonayso mid u dhiganta in uu madaxwaynaha isku dayay in uu cadaalada hor istaago.
Jimcihii ayay ahayd markii , Michael Flynn uu noqday sargaalkii ugu horreeyay ee horrey uga tirsanaa maamulka Trump oo qirta in uu ka been sheegay xiriirkii uu la sameeyay Ruushka.
Mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga ayaa ka daba qaatay Madaxweyne Trump oo barahooda kusoo qoray jawaabo cad oo ku saabsan in Trump isagoo og wixii uu ku kacay Flyn oo hor istaagay cadaaladda si aan loo daba gelin, isagoo culeys ku saaray madixii hore ee FBI-da inuu ka haro kiiska, isla markaana waxay is weydiiyeen sababta ay intaas oo dhan ugu qaadatay inuu hadda ka hadlo arrintan.
Waxaa sii xoogeystay xaaladda ku wareegsan saaxiibada madaxweynaha Mareykanka ee ku saabsan doorkii Ruushku ku lahaa doorashadii uu Trump ku soo baxay, waxaana hadda caddaatay in Trump uu isku furay xaalad halis ah oo sharciyeed.