Tuesday, June 24, 2025

Qorsheyaal ay dowladda Kenya ka damacsan tahay Xuduudka Badda ee Somalia oo laga digay [Akhriso]

Iyadoo dowladda Kenya ay sii xoogeysay cadaadiska Diblomaasi ee ay ku heyso Dowladda Soomaaliya ayaa Aqoonyahanna Soomaaliyeed qaarkood waxay ka digeen tallaabooyin ay Kenya dooneyso inay ka iskeed uga qaadato Badda ay sheegatay ee Soomaaliya oo dacwadeedu ka socoto Maxkamadda Cadaalladda Adduunka ee ICJ.

Jawaabtii ugu dambeysay ee shalay kasoo baxday Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa laga fahmay in Kenya ay xaaladda uga sii dareyso iyadoo Somalia ku eedeysay inaysan weligeed aqoonsan xuduudka ay la leedahay Somalia, isla markaana ay sheegatay dhul ka mida Kenya (NFD).

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee Amniga Somalia ayaa sheegtay in Kenya ay raadineyso inay ka baxdo dacwadda Badda ee kiiskeedu yaallo Maxkamadda ICJ, wuxuuna sheegay inay qoraalkeeda marna ku sheegeen dacwadda, halka Somalia ay jawaabteeda ku caddeysay inay ka war sugeyso go’aanka Maxkamadda.

Wasiirkii hore ee amniga iyo madaxweynihii Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dowladda Somalia uga digay inay ku dhacdo bohosha ay Kenya u qodeyso si ay uga noqoto dacwada maxkamadda ICJ.

Kenya waxay Somalia ku eedeysay inay ka hor timid go’aankii ahaa inaan wax baaris ah laga sameyn xuduudka Badda ee laba dal isku heystaan, taasoo sabab looga dhigayo tallaabada ay damacsan tahay Kenya.

Danjire Diinaari ayaa sheegay in Kenya ay kordhisay cadaadiska ay ku heyso Soomaaliya, ujeedkeeduna yahay in waanwaan laga galo badda ay dooneyso inay Soomaaliya ka hesho, isagoo uga digay madaxda dowladda Somalia in la joogo waqtigii waxqabadkooda la ogaan lahaa oo ay taariikhda geli lahaayeen.

Tallaabo kale ayaa la filayaa in Kenya ay qaadato, taasoo ah inay milateri ahaa ciidamadeeda u geyso xuduudka Badda ay sheegatay, iyadoo markii horeba ay ciidamadeeda Badda degaakaasi ku sugnaayeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON