Thursday, June 26, 2025

Qowmiyada Tigreega oo ka hor timid isbedellada uu wado Abiy Ahmed & kulan degdeg ahna yeelaneysa

Xisbiga Tigreega dalka Itoobiya oo ah kan ugu awooda badan dalkaasi ee talada dalkaasi haya ayaa la sheegay inay walaac weyn ka qabaan oo aysan raali ka ahayn isbedellada xowliga ku socda ee uu dalkasi ka wado Ra’iisal wasaaraha kasoo jeeda qowmiyad Oromada ee Abiy Ahmed.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee AP, Xisbiga TPLF ee qowmiyadda Tikreyga dalka Ethiopia ayaa ku baaqay kulan degdeg ah oo ay ka yeeshaan xaaladda dalka Itoobiya. Xisbiga ayaa sheegay in isbeddelada toddobaadkii uu Ra’iisal Wasaaraha dalku ku dhawaaqay ay meel mareen iyada oo si wadajir ah looga tashan.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa dalal dhowr ah booqasho ku tagey. isagoo qaatay tallaabooyin masiiri ah oo saameyn weyn ku yeeshay dowladnimada Itoobiya, wuxuuna shakigan soo baxay markii uu dhowaaa tegay dalka Masar.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhaqaaqay tallaabooyin ay ka mid yihiin: inuu xabsiyada kasii daayey siyaasiyiintii mucaaradka ahaa, inuu xilalkii ka qaaday taliyeyaashii milateriga iyo Sirdoonka, inuu bixiyey dhulkii ay isku heysteen Itoobiya iyo Ereteriya oo dhiigga badan ku daatay ee Badme iyo balanqaad uu siiyay dalka Masar oo ku saabsan biyo xireenka weyn ee Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON