Sunday, July 13, 2025

Qoys ku le’day madaafiicdii maanta ku dhacday Muqdisho iyo dhimashada oo korortay

Qasaaraha ka dhashay hoobiyeyaal maanta ku soo dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sii kordhay.

Laba qoys ayaa ku le’aday laba ka mida madafiicda oo ku habsaday guryahooda xaafadda Dan-wadaagaha ee iyadoo tirada dadka ku dhintay ay caawa gaartay 11 qof.

Labada guri ee madaafiicdu ku habsadeen ayaa waxaa ku kala dhintay7 qof iyo 4 qof, waxaana qoys ka dhintay 7 qof, iyadoo ay kasoo haray hooyadii uu qura.

Dowladda Federaalka iyo hay’adaha ammaanka ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan oo dadka Muqdisho u ahayd maalin kale oo dhiig badan ka daatay.

Madaafiicda lagu riday magaalada ayaa waxaa sheegatay kooxda Alshabaab, waxaana la sheegay in loo waday Garoonka iyo xerada Xalane ee AMISOM.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON