Qoyska iyo Nabaddoonada Gabadha lagu magacaabo Amaal Nuur Cusmaan ayaa goor dhoweyd magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id, iyagoo baaq u diray Taliyaha Ciidamada Booiska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed.
Hooyada dhashay Gabadha Amran Xalane, ehelka iyo nabadoonada Qoyska ayaa sheegay inaysan weli arag gabadha ka maqneyd mudadda 2-da bilood ah, kadib markii taliyaha Booliska uu sheegay shalay in la helay oo ay ku jirto gacan ammaan ah, waxayna caddeeyeen in loo diidan yahay oo aanay uy suuragelin inay arkaan gabadhooda.
Odayaasha waxay ugu baaqeeyeen Taliye Xijaar inuu gabadhooda ku soo simo, maadaama uu umadda Soomaaliyeed in la helay oo ay gacanta ku hayaan. Mid ka mida ehelka ayaa sheegay in Agasimaha Warfaafinta Madaxtooyada C/nuur Maxamed Axmed uu u sheegay xalay in la dhoofiyey oo xalay ay ka degtay caadimadda Dalka Denmark.
Ehelka ayaa sheegay inaysan rumeysan kadib, haddana aanay benin karin Warka agaasimaha Madaxtoyada, ayna daba taagan yihiin warka Taliyaha ciidamada Booliska ayna doonayaan inuu xogteeda uu lasoo wadaago Hooyadeed iyo Qoyskeeda.
Sida aanu shaacinay xalay, Amaal Nuur Cusmaan ayaa Taliska Booliska iyo dowladda Soomaaliya ay isla shalay galab u gacan geliyeen saraakiil ka socotay safaaradda Denmark ee magaalad Nairobi, iyadoo xalay ka degtay Copenhagen.
Hooyo Amran Xalane ayaa sheegtay in gabadheeda ay ahayd in iyada lagu soo wareejiyo haddii la helay, waxayna caddeysay inay caddeynihii dembiga ay ka galeen ciidamada Madaxtooyada ay ku wareejisay Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada.