Tuesday, June 24, 2025

Qoyska Marxuum Xasan Abshir oo Dowladda Somaliya gaarsiiyey dalab ku saabsan Aaskiisa

Iyadoo ay magaalada Muqdisho ka socotay qabanqaabada Aaska Qaran ee Ra’iisal wasaarihii hore Marxuum Xasan Abshir Faarax ayaa Guddiga Dowladda Somalia xaqiijiyeen dalab uga yimid Qoyska marxuumka.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sheegay in Qoyska Marxuum Xasan Abshir ay dalbadeen in lagu aaso magaalada Garowe; waxaan maanta kulankoodii koowaad yeeshay Guddiga Dowladda Soomaaliya u magacawday Qabanqaabada Aaska Ra’iisal wasaarihii hore ayuu sheegay

Wasiirka ayaa intaasi ku daray inay dowladda Federaalka qorsheysay in lagu aaso magaalada Muqdisho oo aas Qaran loo sameeyo, balse ay tixgelinayaan qoyska, waxaana meydkiisa laga keeni doonaa dalka Turkiga maalmaha soo socda iyadoo Muqdisho laga dejin doono, kadibna loo duulin doono magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaciisa magacaabay Guddi qabanqaabiya Aaska Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON