Rabshado ka dhashay Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay magaalada Muqdisho [Sawirro]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay darawal Mooto bajaaj, taasoo keentay rabshado iyo isku dhac.

Askariga oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Hoose ee Muqdisho ee loo yaqaan Minishiibiyada ayaa la sheegay inuu muran dhex maray Darawalka Mooto Bajaajta, kadibna uu rasaas madaxa uga dhiftay, halkaasoo uu darawalkii ku geeriyooday.

Falkan oo ka dhacay Isgoyska Sanca oo u dhaxeeya degmooyinka Yaaqshid iyo Kaaraan ayaa dhaliyay bannaanbax rabshado watay oo dadka degaankaasi ay uga soo horjeedaan dilka darawalka, waxaana la xiray wadooyinka soo gala isgoyska oo dadweyne careysan isugu soo baxeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

123,042FansLike
828FollowersFollow
3,051FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!