Tuesday, June 24, 2025

Rag ku howlanaa sameynta Baasaboorrada Dowladda Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa

Waraarka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegayai n Ciidamada Booliska Somaliland xabsiga dhigeen Dad ku howlanaa sameynta Baasaboorka Dowladda Federaalka Soomaaliga.

Howlgalkan ayaa ka dhacay degmada Ibraahin Koodbuur ee Magaalada Hargaysa, iyadoo lagu soo qabtay shan nin oo rag oo lagu eedeeyay inay faraha kula jireen sameynta iyo qeybinta Baasaboorka Soomaaliga.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay Shanta ruux ee la soo qabtay hawlgalkii lagu soo qabtay intii uu socday hal askari inuu ku dhaawacmay.

Somaliland ayaa Magaalada Hargaysa horay uga mamnuucday in lagu sameeyo Baasaboorka Somaliga ah. Dadkaan ciidamada ay soo qabteen ayaa la sheegay xilli hore sidan oo kale in loo soo
qabtay, balse Booliska ay sii daayeen, kadib markii looga digay sameynta Baasaboorka Somaliga, balse taasi ay ka dhaga adeegeen oo maanta mar kale la
soo qabtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON