Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Masar ayaa kulan ku yeeshay dalka Ruushka iyagoo ka wada qeyb galaya shir madaxeedka Afrika iyo Russia ee ka socda magaalada Sochi.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa looga hadlay xiriirka labada dal oo muran ku saabsan biyo-xireenka Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile ka dhaxeeyo, iyadoo uu dhowaan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu sheegay inay Itoobiya diyaar u tahay diyaarinta malaayiin qof oo Masar la dagaalama haddii lagu qasbo inay difaacaan biyo xireenkooda. Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar ayaa si weyn u cambaareysay hadalkaasi.
Kulanka madaxweynaha Masar iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa muuqday dhoola-caddeyn, inkastoo aan la shaacin wax heshisi ah oo dhex maray, waxayna labada dal isku diidan yihiin qaabkal oo maamulayo Biyo xireenka iyo dhexdhexaadin uu Mareykanku doonayo inuu ka dhex sameeyo.
SAWIRRO
