Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar ku siiyey ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya inay howgal ku qaadaan ururka Tigreega ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF).
Bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamada difaaca Qaranka ee Itoobiya amar lagu siiyey inay howlgalkooda fuliyaan, iyadoo laga jawaabayo weerar la sheegay inay ciidamada TPLF ku qaadeen xarumaha ciidamada Federaalka.
Faahfaahin weerarka la sheegay inay TPLF ka geysatay Gobolka Tigrey ayaan wax faahfaahin laga bixin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay TPLF. Waxaa go’an xiriirka telefoonka ee Gobolka Tigrey iyadoo xaaladu ay tahay mid aan kala caddeyn.
Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Ra’iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayuu ku shaaciyey in TPLF ay isku dayeyso inay la wareegto hubka iyo saanadda ciidamada dowladda Federaalka, ayna weerartay saldhigyada ciidamada.
“Ciidamadeena Difaaca waxaa lagu amray inay shaqadooda qabsadaan oo ay badbaadiyaan dalka. Khadkii ugu danbeeyay ee Casaa waa laga soo gudbay. Awood ayaa loo adeegsan doonaa si loo badbaadiyo Dalka iyo Dadka marka ugu danbeysa..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
Xiisada u dhaxeysa dowladda Federalka Itoobiya iyo Gobolka Tigre ayaa in muddo ah soo taagneyd, waxaana ay hadda u muuqataa inay isu bedeshay iska hor imaad milateri.
