Wararka laga helayo magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ayaa shaqadii ka ceyrisay saraakiishii ee ugu sarreysay maamulka Xabsiyada dalkaasi.
Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu shanta sarkaal ee ugu sareysay maamulka xabsiyada Itoobiya xilalkii ka qaaday, isla markaana lagu beddelay saraakiil cusub oo hoggaamin doonta maamulka xabsiyada dala Itoobiya.
Jeneraal General Berhanu Tsegaye ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in saraakiisha shaqada laga tiray ay gabeen shaqadooda, isla markaana ay ka gaabiyeen waajibaadkii loo igmaday.
Arrimaha xilalka looga qaaday saraakiisha maamulka Xabsiyada ayuu sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya inay ka mid tahay inaysan maxaabiista helin daryeel, ayna caddaatay in xuquuqda aadanaha aan laga qaddarin xabsiyada Itoobiya dhexdooda.