Tuesday, July 1, 2025

Ra’iisal wasaaraha oo Dalab ku saabsan Coronavirus u diray saddex Wasaaradood & Hay’adaha Samafalka

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wasaarado ka tirsna xukuumadiisa iyo hay’adaha samafalka ee dalka ka howlgala ka codsaday inay gargaar u fidiyaan dadka danyarta ah ee uu saameeyay cudurka Coronavirus.

Dalabkan ayaa kasoo baxay Kulan ay khadka internet-ka (video conference) ku yeesheen xubnaha guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19 oo looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta, muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta bulshada iyo gargaaridda dadka nugul ee cudurku uu ku yeelanayo saameynta dhaqaale.

Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda COVID-19 ee dalka, dadaallada loogu jiro xakameynta faafitaankiisa, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada socda, hannaan wadajir ahna loo abbaaro kahor-tagidda khatarta bulshada uga imaan karta cudurkaan safmarka ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka guddoomiyay ayaa faray wasiirrada
Qorsheynta, gargaarka iyo arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul.

Dowladda Soomaaliya oo hore u sheegtay inay lacag dhan 5 Milyan u qoondeysay arrintan ayaan dhinaca kale deeq lacageed ka heshay dhinacyo kala duwan, waxaaa weli laga deyrinayaa xaaladda isbitaalka De-Martino ee loo qorsheeyay in lagula tacaalo dadka qaba cudurka Covid-19.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON