Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu safar shaqo kuy tegay dalka Mareykanka.
Ra’iisal wasaaraha ayaa magaalada Washington uga soo qayb galay shirkii sannadlaha ahaa ee Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, wuxuuna kulamo kala gaara la yeesahy wasiirada maaliyadda dalalka Yurub iyo Mareykanka, isagoo kala hadlay Deyn cafinta Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta uu la kulmay Ra’iisal wasaaraha waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Bangiga Sdduunka, Agaasimaha IMF, wasiirrada maaliyadda dalalka Netherlands, Talyaaniga iyo Norway iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska iyo mas’uuliyiin ka tirsan waaxda lacagta Mareykanka.
Waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka mida Golaha Wasiirada oo uu horkacayo Wasiirada Amniga, Shaqada, Batroolka iyo mas’uuliyiin kale.
Dhinac kale Madaxweynah Soomaaliya ayaa isla maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo kusii jeeda dalja Ruushka oo uu uga qeyb geli doono shir madaxeedka Afrika iyo Ruushka.




