Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku jira kormeero kedis ah oo uu ku tegayo xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha dowadda ayaa saaka ku jarmaaday Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Kormeerka waxaa Ra’iisul wasaaraha ku wehliyay Wasiirka Gaashandhigga, isagoo ku beegmay xilli aysan shaqaale fara badan ku sugneyn, wuxuuna xog wareystay howlwadeenadii ku sugnaa shaqadda.
Dhinaca kale wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in xil ka qaadista guddoomiyaha Bankiga dhexe ay miiska saaran tahay, iyadoo isbedel lagu sameynayo hay’adaha dowladda oo dhan.
SAWIRRO