Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka laabtay amar xalay lagu xiray qeyb ka mida Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho oo la dhigay Dhagxaan waaweyn.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha xil gaarsiinta ayaa lagu yir: “Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada..”
Arrintan ayaa ka danbeysay markii maanta uu jaam badan iyo ciriiri weyn ka dhashay Isgoyska Dabka, taasoo ay dhaliyeen Dhagxaanta lagu xiray, waaana Baraha bulshada qabsaday sawirrada gaadiidka ku xayiran Isgoyskaasi.
Ka noqoshada arrintan ayaa dad badan u arkaan dhibaato ay abuurtay dowladda oo ay la nqootay, halka taageerayaasha madaxda dowladda u muujinayaan waxqabada ama tanaasul!.
