Monday, July 14, 2025

Raiisal wasaare Cumar C/rashiid oo Kismaayo kala soo laabtay heshiis cusub & natiijo la’aan

Wadahadal dhex maray Ra’iisal wasaaraha xukumadda Soomaaliya  Cumar C/rashiid Cali oo socdaal ku jooga magaalada Kismaayo  iyo hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  ayaa la sheegay in is afgarad laga gaaray qodobo dhowr ah oo ay ugu horeyso cabashada dhismaha baarlamaanka Jubba.

cumar_madoobe

Arrinta khilaafka dhalisay dhismaha baarlamaanka Jubba, taasoo mooshin ka yaallo baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu heshiiyay in xukuumadda Soomaaliya ay magacawdo  guddi la fariista dhageysta cabashooyinka beelaha Jubba maamulka Jubba wixii talo ee ka soo baxana ku celiya xukuumadda Federaalka.

Heshiiska lagu gaaray maalin wadahadal ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo waxaa saxaafadda u akhriyay wasiiru dowlaha Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya  Maxamud Cabi Xasan waxaana ku jira qodobo kale oo aan quseynin arrinta cabashada baarlamaanka Juba, oo ay ka mid yihiin:

  • Si loo dardar geliyo dib u eegista dasuurka, waxay labada dhinac isku  waafaqeen in la dhameystiro xubnaha ka dhiman guddiyada dib u eegista iyo kormeerka dastuurka ee ka imaanaya dowladaha xubnaha ka ah federaalka.
  • Waxay labada dhinac isla afgarteen in xukuumadda Federaalka Soomaaliya wadahadal kala yeelato dowladaha xubnaha ka ah federaalka cabashada ka dhalatay  natiijada tirakoobka ay baahisay wasaaradda qorsheynta Soomaaliya, lana joojiyo baahintiisa inta la isku afgaranayo.

Dhageyso heshiiska labada dhinac oo uu akhrinayo wasiirku dowlaha Warfaafinta Md. Bekos

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtaan maanta iyadoo uu mar kale Cumar C/rashiid soo galay heshiis kale oo ka dhib badan xalkii uu u tegay magaalada Kismaayo.

Waxaa muuqata in Ra’iisal wasaaruhu kala yimid Kismaayo laba qodob oo dowladiisa culeys ku ah iyo qodob aanay ku caddeyn in xal rasmi ah loo helayo arrintii Baarlamaanka Juba. Is-afgaradka labada dhinac kuma cadda wa balanqaad ah oo muujinaya in maamulka Jubba uu tixgelinayo cabashada laga qabo baarlamaanka Jubba ama inuu qaadanayo go’aankii ka yimaada dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON