Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa buuxiyay jagadii uu banneeyay Marxuum Cabbaas C/llaahi Siraaji wasiirkii howlaha guud oo Muqdisho lagu dilay 3 May 2017.
Ku dhowaad 4 bilood (110 maalmood) kadib ayaa wasaaradda Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya maanta loo magacabay Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi.
Qorshe lagu doonayay in xilkan loo magacaabo nin la dhashay wasiirka geeriyooday ayaa fashilmay kadib markii qoyskiisa ay diideen arrintaasi.
Halkan hoose ka akhriso warqada magacaabista:-