Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa safarkiisii ugu horeeyay ugu dhoofay Dal Carbeed

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa safarkiisii ugu horeeyay maanta ugad dhoofay magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa socdaalkiisu ku wajahan yahay dalka Qatar ee Khaliijka, isagoo casuumaad ka helay.

Ujeedka socdaalka Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu ka qeyb galayo shirka Doxa Forum oo sandle ah iyo kulamo uu la yeelanayo madaxda Qatar oo ku saabsan taageerada dhaqaale iyo iskaashi dhinacyo kala duwan ah oo dalka Qatar doonayo inuu ka kaalmeeyo Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa casuumaado fara badan ka helay dalal dhowr ah isagoo ku adkeystay inuu dib u dhigo, waana safarkiisii  ugu horeeyay muddo ka badan laba bilood oo uu xilka hayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON