Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre: “Dalkan waa inay Doorasho ka dhacdaa 4-tii Sanaba mar” (Daawo)

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadiisa ay wixii hadda ka bilowda u howlgaleyso sidii ay dalka uga dhici lahayd Dooraaho loo dhan yahay oo nabad ah.

Muuqaal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo laga soo jaray hadal Ra’iisal wasaaraha u jeediyay Golaha Wasiirada Shirkoodii Khamiista ayuu ku sheegay in Doorasho dalka ka dhacda ay ka muhiimsan tahay howlaha kale oo dhan.

“Ka siyaasiyiin ahaan anagoo ah madaxda Qaranka oo Golhii Wasiirada ah waxaan raba inaad ogaatiin laga bilaabo maanta in shaqadeena ay nqon doonto inaan isku dayno sidii aan dalkan u gaarsiin lahayn doorasho umadda Soomaalyeed u dhan tahay oo xasiloon si naada ahna dadku ay uga qeyb noqdaan..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo markii ugu horeysay mowqifkiisa Doorashada.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Ra’iisal wasaare ayaa soo hadal qaaday inay ka shaqeynayaan Doorasho dadka intooda badan isla ogol yihiin, isagoo si gaara ugu nuuxnuuxsaday in afartii sanaba ay tahay in mar ay doorasho dhacso si xasilooni siyaasadeed loo helo.

Hadalka Xasan Cali Kheyre ayaa soo baxaya xilli la hadal hayo in Madaxweyne Farmaajo uu olole ugu jiro muddo kororsi, kadib kulamo uu la yeeshay guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, aya soo baxeen qorsheyaal kala duwan oo doorasho iyo muddo kordhin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON