Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre: “Dowladdu way Aqoonsan tahay Jaamacadaha dalka, laakiin waxaa la rabaa..” [Daawo]

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo galabta ayaa ka qeyb galay barnaamijka Bandhigga Baahida Isboortiga Dalka ee kor u qaadida ciyaaraha dalka ayaa ka hadlay Jaamacada dalka ka jira iyo aqoonsiga dowladda oo dhowaan xilka looga qaaday wasiirkii hore ee waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Dowladdu ay aqoonsan tahay shahaadooyinka ay bixiyaan Jaamacdaha dalka, isla markaana ay u mahad celinayaan qof kasta oo qeyb ka soo qaadatay horumarinta waxbarashada dalka xilligii ugu adkaa, wuxuuse sheegay in loo baahanyahay in sare loo qaado tayada tacliinta sare ee dalka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in bahda waxbarashada ay dalkan wax badan u soo qabteen oo ay u soo dhabar adeegeen sidii loo heli lahaa adeeg waxbarasho, isagoo intaa ku daray in Wasaaradda Waxbarashada iyo daladaha waxbarashada ay iska kaashan doonaan sidii loo tayayn lahaa tacliinta sare ee dalka

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON