Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo ay si weyn u soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulkaasi.
Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, isagoo halkaasi la filayo inuu ka jeediyo Khudbad.
Sidoo kale waxaa magaalada Jowhar gaaray wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka sida Madaxweyneyaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo sidoo kale marti kale oo lagu casuumay Munaasabada.
Amaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo gudaha iyo daafaha magaalada ciidamo aad u sugaya amaanka, iyadoo shacabka Magaalada Jowhar ay qeyb ka qaadanayaan soo dhaweynta wafuuda kala duwan.
Madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa markii ugu horeysay muddo bilo ah is arkaya iyadoo Ra’iisal wasaaraha lagu tilmaamo ninka khlaafka rasmiga ah uu kala dhaxeeyo madaxda maamul Goboleedyada, isagoo ka joojiyay dhaqaalihii dowlada Federaalka ay siin jirtay.