Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo 220-kun Doolar degdeg ugu diray dhismaha Garoonka Cawaale & Dood ka dhalatay

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si degdeg u diray lacag balanqaaday inuu uga qeyb qaato dhismaha Garoonka Ciyaaraha Maxamed Cawaale Liibaan ee Waqooyiga Gaalkcayo.

Lacagtan oo gaareysa $220,000 (Laba boqo, labaatan kun oo doolar) ayuu Ra’iisal wasaaraha u balanqaaday dhalinyarrada Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana 48 saac gudahood uu ku shubay Akoonta gurmadka Garoonka Cawaale ee Guddiga dhismaha garoonkaasi, iyadoo lacagta lagu diray shirkadda Dahabshiil, waxaana diray Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Somalia.

lacagtii Kheyre

Arrintan ayaa timid iyadoo maamulka Puntland isku dayey inuu hor istaago booqashadii uu Ra’iisal wasaare Kheyre ku tegay Waqooyiga Gaalkacyo, isagoo Garoonka Cawaale kula hadlay dadweyne u badan dhalinyaro oo si weyn u soo dhoweeyay, iyadoo tallaabadad degdegga ah ee lacagtan lagu bixiyey ay jawaab u tahay madaxda Puntland.

Lacagtay ayaa dood weyn ka dhalisay baraha bulshada, waxaana si weyn u cambaareeyay taageerayaasha Puntland oo ku tilmaamay hanti qaran oo aysan wax mahad ah uga heynin Ra’iisal wasaaraha, halka dad kale ay su’aal la keeneen halka laga keenay lacagtan iyo inay tahay mid shaqsi ah ama ka mida miisaaniyada dowladda.

Dadka qaarkii ayaa bixinta lacagtan u arkay musuq iyo sida madxda dowladda Federaalka ugu takri falaan hantida qaranka, laakiin taageerayaasha Ra’iisal wasaaraha ayaa bogaadiyey tallaabada Kheyre, kuna tilmaamay fulinta ballantii uu qaaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON