Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka digay in dadka loo xiro arrimaha musuqmaasuqa aan damaanad lagu sii deyn karin, isagoo amar ku bixiyey in la xiro qof kasta oo musuq lagu helao.
Isagoo ka qeyb galayey barnaamij loogu magac daray ‘Daah furnaanta Maaliyadeed ee dalka’ ayuu sheegay inaysan aqbali doonin in dadka qaarkii ay xabsiyada ugu daba tagaan dadka u xiran masuqmaasuqa.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa faray hay’addaha amniga inay xiraan maxkamadahana u gudbiyaan cid walbo oo lagu helo, isagoo ku adkeystay inaysan xukuumadiisa aysan aqbali doonin wax isdaba marin iyo in hantida qaranka loo adeegsado dano gaar ah.