Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaaf la sheegay inuu ka dhex taagan yahay xildhibaanada Baarlamaanka iyo xukuumadiisa.
Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka ku saabsan in xukuumadiisa khilaaf kala dhaxeeyo Baarlamaanka iyo xildhibaanada xiriirkooduna xun yahay.
“Ma jiro wax khilaaf ah oo u dhaxeeya hey’addaha dowladda, waxaan joognaa waqtigii ugu wanaagsanaa ee wada shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo hadalkan ka jeediyay magaalada Kismaayo.
Wuxuu intaas ku daray in xukuumadiisa ay ku timid rabitaanka Baarlamaanka, isla markaana ay leeyihiin wadashaqeyn buuxda oo dhinac waliba leh.
Dhowaan ayay ahayd markii Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka ay u yeereen Ra’iisal wasaaraha iyagoo su’aalo ka weydiiyay hadallo xiisad abuuray oo kasoo yeeray dad taageersan xukuumadda.