Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo bixiyey Ballanqaadyo ku saabsan Dastuurka KMG & Doorashada 2021.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa balanqaaday inay xukuumadiisa dhammeystireyso Dastuurka KMG, isla markaana ay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah.

Isagoo ka qeyb galay xiritaanka Shirka Muqdisho uga socday Wasaaradda Dastuurka,   Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista ayuuu sheegayin la  dhamaystirayo Dastuurka oo noqon doona mid ay Soomaali leedahay, Soomaalina ay diyaarsatay iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiga ku howlan Dastruurka uga mahadceliyay dib-u-eegista lagu sameeyay 10-ka Cutub ee ugu horreeya Dastuurka KMG ah, wuxuuna ku dhiirri geliyay inay dhaqsi u dhammeystiraan inta ka harsan.

Arrimaha ugu waaweyn ee looga fadhiyo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ugu horeeya Dastuurka iyo qabashada Doorashada kadib sanadka 2020-ka, iyadoo shaki badan laga muujinayo suuragalnimada fulinta qoddobadan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON