Thursday, July 10, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqasho hambalyeyn ah u tegay Wasaaradda Maaliyadda [Sawirro]

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta booqasho hambayo ah u tegay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.Waxaa halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiirka, Wasiir ku xiggeenka, Wasiir dowlaha iyo Masuulinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna warbixin ka dhageystay waxqabadka wasaaradda iyo guushii laga gaaray wadahadalladii ay kula jirtay IMF.

Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen Wada hadalladii hay’adda lacagta aduunka ee IMF, barnaamijka taxana ah ee isbadalka iyo dowlad wanaagga lagu hirgalinayo ee SMP,  kaas oo Mustaqbalka Soomaaliya u horseedaya in laga cafiyo daymaha dibadda dibna loo maal gashado.

Madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya , iyadoona Madaxdii Wasaaradda Maaliyadda  ku ammaanay sida dardarta ah ee ay xoogga u saaraan in Soomaaliya dhaqaalaheeda uu kordho.

Image may contain: 4 people, people standing, suit and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting, table, office and indoor

Image may contain: 4 people, people sitting

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON