Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta booqday dekadda magaalada Kismaayo.
Ra’iisal wasaaraha waxaa kormeerkiiisa ku wehliyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, madaxa maamulka Jubba iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
“Waxaan saakay booqday Dekadda Kismaayo oo ah ilaha dhaqaale ee dalka, sidoo kalena ka mid ah 4-ta dekedood ee ugu weyn dalka..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo ay u ahayd markii ugu horeysay ee uu booqdo magaalada Kismaayo.
Dadaal ay dowladda federaalka ugu jirtay in lagu wareejiyo dekadda Kismaayo ayaan wax guul ah laga gaarin, inkastoo heshiiskii Adis ee Axmed Madoobe iyo dowladii Xasan Sheekh uu ka mid ahaa qodobkaasi.