Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ( Xasan Cali Khayre ayaa booqday askartii ciidamada dowladda ee shalay ku dhaawacmay weerarkii Alshabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada ee degamada Aw-dheegle, gobolka Shabeellada Hoose.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareysay askarta dhaawaca agh iyo maamulka Isbitaalka, isagoo u kuurgalay xaaladda caafimaad ee ciidamada kusoo dhaawacmay weerarkii is-miidaaminta iyo dagaalka tooska ahaa isugu jiray ee shalay ka dhacay Awdheegle.
Xasan Cali Khayre ayaa ciidamada dhaawaca ah ee uu booqday u rajeeyay inay degdeg u bogsoodaan, isagoo kuwii ku dhintayna u diray tacsi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada isdaba joogga ah ee ay ugu jiraan soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.



