Sunday, August 3, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo daah-furay duulimaadkii ugu horeeyay ee Muqdisho-Nairobi

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhoweyd  Daah-furay Duulimaadkii ugu horreeyey ee toos ah magaaloyinka Muqdisho & Nairobi.

Munaasbad lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayuu ka hadlay Ra’iisal wasaaraha iyadoo ay halkaasi ka duushay diyaradii ugu horeysay ee si toos ah uga degeysa magaalada Nairobi.

Arrintan ayaa ka danbeysay heshiis madaxweynayaasha labada dal ku dhex maray dhowaan magaalada Nairobi oo hadda si degdeg ah u dhaqan galay, kaasoo lagu celiyay duulimaadyadii toos ahaa ee caasimaddaha labada dal, halkii markii hore diyaaradaha ka baxa Muqdisho hubin amni ah loogu hakin jiray garoonka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON