Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si degdeg Wasiir ugu magacaabay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, kadib markii uu maanta xilkaasi iska casilay Wasiirkii hore Daahir Maxamuud Geelle.
Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Warfaafinta, iyadoo uu hore dhowr jeer wasiir uga soo noqday wasaaradan, waxaana wasaaradii uu banneeyay ee Ganacsiga loo magacabaay inuu wasiir u noqdo Eng. C/llaahi Cali Xasan.

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa ah aqoonayahan ay isku heyb yihiin wasiirkii is-casilay ee Warfaafinta iyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna madax ka ahaa urur NGO ah, isagoo kursi xildhibaan u tartamay sanadkii 2016, balse waxaa uga adkaaday gacan-yarihii Xasan Sheekh.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa caan ku nooday inuu saacado ama maalin gudaheed ku buuxiyo wasiirada iska casila xukuumadiisa, taasoo muujineysa inay jiraan dad u sii diyaar ahaa xilalkaasi.